Kansainvälisten e-aineistojen hakuun on toistaiseksi kirjauduttava, jotta hakuja voi tehdä.

Haku

Ku soo showow Finland

QR-koodi

Ku soo showow Finland

Waxaad gacanta ku haysaa hage, kaas oo loogu talaggalay in uu kaa caawiyo marxaladda hore ee billowga ah ee degista Finland. Hagaha waxaa ku jira macluumaad ku saabsan degitaanka, shaqo qabashada iyo saraakiisha dowladda iyo macluumaad aasaasi ah oo ku saabsan bulshada Finnishka ah. Macluumaadka hagaha waxaa laga soo uruuriyay adeegga shabakadda ee InfoFinland, halkaas oo aad sidoo kale ka heli karto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mowduucyada hagahan. Horumarinta laqabashada Finland ee dadka dalka u soo guuray waxaa laga dejiyay sharciga u gaar ah. Sida uu sharcigaas qabo, qof kasta oo Finland u soo guuraya waxaa la siinayaa macluumaad ku saabsan nolosha Finland iyo bulshada Finnishka ah. Haddii macluumaadka ku jira haguhu aanay dhammaantood hadda ahayn kuwa ku quseeya, meel dhigo hagaha. Gadaal dambe ayaad uga baahan kartaa. Ka sokow hagahan, waxaa kale oo lagu siinayaa talooyin iyo hagitaanno kale, si sal-dhigista Finland ay sida ugu macquulsan kuugu fududaato. Macluumaadyada dheeraadka ah oo arrima badan ku saabsan waxaad si gaar ah uga heleysaa degmadaada ama bogagga degmooyinka ee adeegga shabakadda InfoFinland. Ku soo dhowow oo qayb ka noqo bulshada Finland!

Tallennettuna: